Tirada dadka ku dhintay qaraxii saldhigga millateri ee Muqdisho oo korortay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Millateriga Soomaaliya ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa oo iskuqarxiyay saldhig milateri oo ku yaal magaalada caasimadda ah, ee Muqdisho, uu dilay ugu yaraan 7-ba qof, halka sagaal kalana ay dhaawacmeen.

Qofka isqarxiyay ayaa iska soo dhigay askari kaddibna waxa uu galay saf ay ku jireen dad doonayay inay iska qoraan milateriga, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee saldhigga milateri.

Ururka jihaadiga ah ee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerrarkaasi.

Ururkan xiriirka la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa waxa uu wajahayay cadaadis milateri oo maalmihii la soo dhaafay ka haystay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ciidammo ay dowladda baritaarayso oo ay hawada ka taageerayaan nabad ilaaliyayaasha caalamiga ah, ayaa waxa ay Shabaab dib uga qabsadeen dhul ay muddo haysteen.

Related Articles

News In English

Fikradaha