In ka badan 26 qof ayaa lagu dilay weerarka argagixiso ee ka dhacay Pahalgam, Jammu iyo Kashmir. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Hindiya ayaa tebisay in ugu yaraan 28 qof ay naftooda ku waayeen weerarkaan.
Inta badan dadka dhintay waa dalxiisayaal, waxaana weerarkan lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee waayahaan halkaa ka dhaca.
Qaar ka mid ah madaxda caalamka ayaa falkaan lagu beegsaday dalxiisayaasha ku tilmaamay fal argagixiso.
Booliska Delhi ayaa kor u qaaday tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka guud ahaan magaalada weerarka kadib, iyadoo la arkayo askar feejigan oo dariiqyada tuban.