Trump ayaa sheegay in uu xayiraad kusoo rogi doono dalal Somalia kamid tahay

|

New York (ONKOD)  Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump haddana ah musharax u taagan mar kale xilka madaxweynaha dalkaasi, ayaa ku hanjabay in uu dib usoo celin doono xayiraadii dhinaca socdaalka ah uu horey usoo rogay.

Sidoo kale, Trump oo hadal ka jeediyay gobolka Iowa ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in uu ballaarin doono xayiraadii dhinaca socdaalka uu horey usoo saaray intii uu madaxweynaha ahaa, waxa uuna shaaciyay dalalka uu mar kale xayiraada dhinaca socdaalka saari doono.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in mar kale xayiraada kusoo rogi doono uuna diidi dooo in dalkooda yimaadaan dad kasoo jeeda dalalka Falastiin , Suuriya, Soomaaliya, Yaman, Liibiya iyo dalal kale uu sheegay in uu kusoo dari doono.

“Qofna kama keeni doono Qasa, Suuriya, Soomaaliya, Yaman, Liibiya ama meel kaleba taas oo khatar ku ah amnigeena, waxan si dhakhso ah u soo celinayaa, una ballaarinayaa qorshii guuleystay ee xanibaadda safarka ee aan ku soo rognay wadamada argagixisada taageera iyo meelaha gabaadka u ah,” ayuu yiri Tump.

Xayiraadii dhinaca socdaalka uu horey usoo rogay Donald Trump ayaa waxaa wareegto ku baabi’iyay meeshana ka saaray madaxweynaha hada haya talada dalka Mareykanka ee Joe Biden, oo horey u diidanaa xayiraadan uu soo saaray Trump.

Related Articles

News In English

Fikradaha