Turkiga iyo Masar oo kawada hadlay xaalada Soomaaliya iyo Suudaan

|

Dawladaha Turkiga iyo Masar, ayaa ka wadahadlay xaaladaha ka taagan Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxayna si gaar ah xooga u saareen sidii xal looga gaadhi lahaa colaadaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Sida ay xalay  faafiyeen warbaahinta Turkiga iyo Masaaraddu, Wasiirada Arrimaha Dibadda labadan dal oo khadka telefoonka ku wadahadlay, ayaa isla qaatay in la taageero dawladaha Soomaaliya iyo Suudaan, lagana wada shaqeeyo ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa dhigiisa Turkiga u sheegay in aanay marnaba aqbali doonin in dal aan xad la wadaagin Badda Cas uu soo farogeliyo, raadna ku yeesho arrimaha khuseeya Badda Cas, isagoo ujeeda dalka Itoobiya oo muddooyinkii u damveeyey raadinayey sidii uu meel uga heli lahaa Badda Cas.

Ilaalinta midnimada Soomaaliya ee ay labadan isla qaateen, ayaa ku soo beegmaysa xili muddooyinkii u dambeeyey ay warbaahinta caalamku aad u hadal haysay in dalka Maraykanku uu aqoonsi siinayo Somaliland, isagoo danaynaya Gacanka Berbera iyo goobtan istaraatiijiga ah ee uu ku yaalo Somaliland.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha