Turkiga oo si adag u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xerada General Dhagabadan

|

Ankara (Onkod Radio) — Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay xerada tababaraka ciidamada ee General Dhagabadan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed goor dhaweyd kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dalkaas.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun ee argagixisanimada ahaa, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee aynu nahay saaxiibada iyo walaalaha” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa taageerada Soomaaliya eedagaallanka ay kula jiro argagixisada wax walba oo ay awooddo” ayuu raacisay wasaaradda arrimaha dibadda Turkey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xalay u sheegay telefiishanka Universal TV in dawladda Turkigu ‘kusoo biirtay’ in ay taageero dhinaca cirka ah siiso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin inay taageero cirka ah siiso Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha