Ukraine ayaa sheegtay inay Soomaaliya Gargaar usoo direyso

|

Muqdisho (Onkod Radio) —  Barta Twitter-ka, uu ku leeyahay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa lagu soo qorey fariin ah inuu gargaar dhanka cuntada ah uu u dirayo Soomaaliya.

Marka laga soo tago maraakiibtii hore ee u siday Badarka Afrikaanka, 28,600 oo tan oo sarreen ah, ayaa la keeni doonaa Soomaaliya toddobaadyada soo socda.

Madaxweynaha Ukraine, ayaa carabka ku dhuftay in tallaabadani ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto in Qamadiga lagula tacaalo cunto yarida soo food saartey dunida.

Hey’adda Qaramada Midoobay, ayaa saadaalisay in macaluul ay ka dhici doonto dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkan, iyadoo ay ugu wacan tahay dagaalka uu Ruushka iyo Ukraine, oo wiiqay wax soo saarka badarka ee ka iman jiray dalalkan.

Related Articles

News In English

Fikradaha