Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa maanta Beledweyne ka furay tababar ku saabsan Xuquuqda aadanaha

|

Tababarkaan oo ay ka faa’iideysanayaan illaa iyo 16 wariye oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa saakay ka furmay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Tababarkaan ayaa socon doona muddo saddex maalin ah kaasoo ay wariyeyaashu ku baran doonaan casharro ku saabsan xuquuqul insaanka.

SJS ayaa inta badan xoogga saarta kor u qaadidda aqoonta Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya warbaahinnada kala duwan.

Related Articles

News In English

Fikradaha