Raaga Ceelle (ONKOD )Ciidamada ATMIS ayaa saldhigii ay ku lahaayeen Degmada Raaga Ceelle ee Gobalka Shabeellada dhaxe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.
Qoraal ka soobaxay ATMIS ayaa lagu yir’’ Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah si ay u xoojiyaan ammaanka”.iyaga oo taageeraya xooga dalka ee howlgallada wada.
Wareejinta xeradaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyada oo xerooyin badan ay ka baxeen ciidanka ATMIS lagu wareejiyay ciidanka Soomaalida, taas oo qeyb ka ah hannaanka ciidanka dowladda amniga kula wareegayaan
Xil Wareejintan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada ay sameynayaan hawlgalka ATMIS iyo DFS, si ay u xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dowlad goboleedka Hirshabelle.
Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ayaa hadda loo wareejin doonaa Gobolada kale si kor loogu qaado amniga iyadoo la eegayo hakad galinta bixitaanka ciidamada ATMIS mudada 3 bilood ah oo ay DFS codsatay.
Deegaanka Raaga Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamada Burundi kuwaasoo dusha kala socda ammaanka ATMIS Sector 5.