Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saakay ka qarxay xawaaxiga deegaanka Raaskambooni, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Dowladda oo ku sugan Deegaanka Raaskambooni ee Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Manaraani oo qiyaastii 30KM u jira Deegaanka Raakambooni, kaasi oo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee tirirto dhex-martay.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dagaalka saakay ka qarxay deegaanka Manaraani, balse Jubbaland ayaa sheegtay in Ciidanka Dowladda Federaalka ay weerar ku soo qadeen Ciidanka Jubbaland, isla markaana ay is difaaceen.
Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayey ku sheegtay in ay la waregeen difaacyadii ciidanka Dowladda ay ku la hayeen afaafka hore ee Deegaanka Raaskambooni ee Jubbada Hoose, khasaarana ay dagaalka ku gaarsiyeen Ciidanka Dowladda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada ay wali kacsan tahay labada dhinacna ay helayaan gurmadyo, lana qabsi qabo in markale uu dib u qarxo dagaalka.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.