Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Dhabaab

|

Qarax xooggan ayaa saaka ka dhacay inta u dhexeysa xerada xagardheer iyo magaalada Dhadhaab kaas oo lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidamada booliska Kenya ee degmada Dhadhaab.

Qaar ka mid ah dadka qaxootiga ayaa sheegay in jugta qaraxa laga maqlay xeryaha qaxootiga iyo qeybo kale oo ka tirsan deegaanka Dhadhaab, Qaraxan ayaa ka dhacay bartamaha wadada isku xirta xerada Qaxootiga Xagardheer iyo degmada Dhadhaab xilli uu halkaas marayay gaari boolis ah.

ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxa . balse gaariga ciidamada ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan.

Laamaha ammaanka ayaa haatan wada baaritaanno ballaaran oo ku aaddan dhacdadan, inkasta oo aan si rasmi ah loo faahfaahin sida ay wax u dhaceen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in baaritaanno dheeraad ah ay socdaan, waxaana lagu wado in la adkeeyo ammaanka degaanka. Weli ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha