Ciidamadda Maamulka Puntland ayaa maanta gaaray aagag cusub oo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish, kuwaas isaga cararay saacadihii lasoo dhaafay kaddib markii khasaare baaxad leh loogu geystay duqeymo ay wadajir u sameeyeen ciidamada Puntland iyo saaxiibada Caalamka oo taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Goobaha ay ciidamaddu ka qabsadeen Daacish ayaa waxaa kamid ah Taliskii Daray-Madoobe, kaas oo ahaa mid muhiimad weyn u lahaa kooxda Daacish iyo difaac adag oo ay horrey u diyaarsadeen, balse ay isaga carareen kaddib markii ay u ruqaansadeen ciidamadda amniga ee Maamulka Puntland.
Dhanka kale, Duqeymo culus ayaa maanta ka dhacay buuraleyda Cal-miskaad, kuwaas oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland, waxaana khasaare baaxad leh oo loogu geystay kooxda Daacish.