Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo loogu dilay inkabadan 100 dagaalyahan ah

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Dagaalka u dhaxeya ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, xilli maalin ka hor ciidamadu la wareegeen deegaanka Aboorey oo kamid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay ku laheyd gobolka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-galka 75 dagaal-yahan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab, xili uu howl-galka ka dhanka ah argagixisada oo kasoo billowday Waqooyi-Bari gobolka Hiiraan uu maanta marayo deegaanno ku yaalla Koonfurta gobolka.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa kamid ah guddoomiyihii hore ee Buulo-Burte, Faysal Xaaji Aadan oo ku sugan furinta hore ee dagaalka, isaga oo masu’uliyiinta ugu baaqay inay qeybtooda ka qaatan howl-galka socda.

“Dhammaan ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleey ee soo hoyiyay guushaan la taaban karo maanta waxay oohinta ku dambeysaa dadkii shalay dadka maatada laayay, wakhtiyada soo socda waxay arki doonaan Hiiraan mid ah.”

“Masu’uliyiinta kale ee dowlad goboleedka HirShabelle iyo dowladda dhexe qof kasta oo deegaanka kasoo jeeda walaalow imow oo arag dadkaaga waxay ku jiraan arag shan kun iyo Toban kun oo aad qaadatid waxba kuma tareyso haddii la dilayo Hooyada, Aabbaha iyo adeerka.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ku socday dagaallo culus ayadoo howlgallada ka dhanka ah ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo qaar kamid ah qabaa’illada, kuwaasi oo u adkeysan waayay dhibka ay kooxda ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

News In English

Fikradaha