Warbixin: Hiiraan waa meesha keliya ee ay ku jabeen Al-Shabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab ayaa ka socda deegaano badan oo gobollada Hiiraan iyo galgaduud ah halkaas oo marar badan dagaal uu ku dhexmaray dadka deegaanka iyo Al- Shabaab.

Kacdoonka ka socda gobolladaas waxa uu ku billowday si tartiib tartiib ah laakiin waxaa uu xoogaystay billowga Bisha September oo uu ku baahay meelo badan oo gobollada Dhexe iyo Hiiraan ah.

Waxaa la arkayay Odayaal da’ ah iyo haween hormuud u noqday dagaalka dadka deegaaanka ee is abaabulay ay kula jiraan Al- Shabaab si ay isaga dulqaadaan culayska sanadaha badan saarnaa ee kaga imaayay kooxda.

Al- Shabaab iyo kooxda Macwiislayda ayaa dhawr meel oo Hiiraan ah isaga hor yimid , waxaana dagaalka uu sii xoogaystay markii Al- Shabaab ay toogteen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur iyo dumar isla markaana ay gubeen gadiid raashiin oo ay lahayeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa la leeyahay Al- Shabaab waxa ay ku keentay culayska ugu badan , taas oo keentay in qarka u fuulaan in gabi ahaanba looga awood roonado gobolka Hiiraan iyo bartamaha gobolada Dhexe oo xili kasta dagaalka uu ka socdo.

Dhanka Dowladda Federaalka oo markii hore dusha uun kala socotay dagaalka qabaa’ilka ee ka dhanka Al- Shabaab ayaa xog ay heshay RBC sheegaysaa in markii ugu horreysay gaadiid, saad, hub iyo ciidankii ugu badnaa oo ka baxay Muqdisho safar dhulka ah ku tageen Gobolka Hiiraan.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri dhawaan.

“Dadka shacabka ah waa in ay ka fogaadaan goobaha Argagaxisada waa la duqaynayaa , la beegsanayaa wax kasta oo dagaal ah ayaa ku furan marka shacabka haka dheeraadaan goobahaas ”

Baraha bulshada waxaa aad u qabsaday muuqaalada iyo sawirada dad da’ah oo is abaabulay kuwaas oo doonaya in ay iska dulqaadaan Al- Shabaab oo sanado badan dhibaato ka gaysanayay deegaanada Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

Dagaalka dadka deegaanka iyo Al- Shabaab waxa la leeyahay waxa micno gaar ah u sameeyay waa sawirada , muuqaalada iyo hadadalada dhiiranaanta leh ee ka soo yeeraya waayelada hubka qaatay kuwaas oo laga gubay guryahooda , la dhacay xoolahooda la duugay ceelashooda.

Gobolka Hiiraan ayaa ah halka ugu badan ee ay isaga baxayaan- Al- Shabaab ka dib culayska muuqda ee ay kala kulmeen dadka deegaanka , gobolka labaadna waa galgaduud halkaas oo dadka inta ay is abaabuleen dagaal kala hortagay Al- Shabaab.

Waxaa la is waydiinayaa sida uu noqon doono mustaqbalka Al- Shabaab oo markaan uu ku furan yahay dagaal laba afla ah Dowladda iyo shacabka oo iskood isku abaabulay.

W. Q Hanad Ali Guled

Related Articles

News In English

Fikradaha