Warsaxaafaeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Df ayaa lagu sheegay 30 katirsan Al-Shabaab in lagu dilay Abooreey

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Warsaxaafaeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yiri ”In ka badan 30 ka tirsan malleeshiyada Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku dileen deegaanka Abooreey oo khiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeennimo saq dhexe dagaal kula galay Ururka Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Al-Shabaab ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka Ururka Al-Shabaab ay isaga kala gudbi jireen deegaannada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Al-Shabaab waxaa lagu dilay in ka badan 150 dhagar qabeyaal Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan oo Argagixisadu ay ku gumaadi jireen shacabka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadkeeda oo si dhow ugula shaqeynaya dagaalkan lagu soo afjarayo argagixisada Malleeshiyada la khalday ee Al-shabaab waxay dowladda u sheegaysaa in waddada kaliya ay uga badbaadin karaan hawlgalladaan ay tahay in ay isku soo dhiibaan dowladda, dadkoodana ka mid noqdaan”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta inay ka saaran Al-Shabaab deegaannada ay haystaan inkastoo ay ka caawiyaan inta badan dadka deegaannada qaar oo Al-Shabaab dagaal kula jira.

Related Articles

News In English

Fikradaha