Wasaaradda arrimaha dibadda oo soo saartay digniin la xiriirta gargaar siyaasadeysan

|

Iyada oo weli Dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay deeqaha ay ka hesho Beesha Caalamka, isla markaana inta badan dowladda ay u adeegsato bixinta musharaadka  Shaqaalaha iyo mashaaricda kala duwan, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, waxa uu soo saaray digniino ku aadan deeqaha Bani’aadinimo ee dalka lasoo gaarsiiyo inay jiraan kuwa siyaasadeysan.

Wasiir Fiqi, ayaa carabka ku dhuftay in wasaaradda arrimaha dibadd ay qaadan doonto doorkeeda ku aadan la xisaabtanka Hay’adaha deeqaha siiya Soomaaliya.

“Ma joogno sannadihii 1992 ama 2008 waa ay ka duwan tahay xaalada xilligaan, kuwa indhahaasi nagu fiirinaya inaan sanadahaas aan joogno fadlan ookiyaalaha badasha, waxaa hadda joogta Dowladda Soomaaliyeed oo soo qaangaartay shaqadeedna qabsanaysa” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay wasiir Fiqi, in wasaaradiisa ay la wareegi doonto Hay’addii ay ku qabato iyada oo magaca Soomaaliya ku soo qaadatay gargaar, isla markaana geysa goobo baahi aysan ka jirin ama dhibaato sida uu hadalka u dhigay wasiir Fiqi.

Ugu dambeyn wasiir Fiqi, ayaa ka digay deeqaha la siyaasadeynayo, waxa uuna sheegay inay la socoto dowladda Soomaaliya kuwa falalkaas gacanta kula jira, lana xisaabtami doonto.

Related Articles

News In English

Fikradaha