Wasiir Cadaala ”Waxaa jira siyaasiin aan ognahay oo ku jira safka Al-Shabaab” SEPTEMBER 14, 2022BY HANAD GULED

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Maalmihii la soo dhaafay deegaano badan oo gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa ka soconayay dagaalo u dhaxeeya kooxda Macwiislayda iyo Al- Shabaab oo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadleen.

Maalmo ka – hor xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa – far ku guday , dagaalka dadka is abaabulay ay ka wadaan degaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in Al-shabaab ay qeyb ka yihiin hurinta dagaal beeleedyada ka socda qeybo kamid ah dalka.

Wasiirka ayaa soo – hadal qaaday shaqsiyaad uu sheegay in ay doonayaan inay suurad xumeeyaan dagaalka dadka shacab ay isaga dulqaadayaan Al- Shabaab.

“Qofka doonayaa in maanta wax ka sheego dadka shacabka ee Kooxda Al- Shabaab ay dhibaateeyeen hatidooda ay gubeen waa qof isagana la mid ah kooxda Al- Shabaab ” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala .

Waxaa uu xusay Wasiirka in Al- Shabaab qoorta ay ka danbeeyaan dagaalada qabaa’ilka ah ee ka socda gobolada culayska uu ku jiro isagoo eedeyn u jeediyay shaqsiyaad ay adeegsanayaan Al- Shabaab.

“Waxaan haynaa caddeymo dad ay Al-shabaab lacag ku siiyeen in ay ku diraan qabaa’ilka, goobaha dad la isku dirayna waa meelaha ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay wadaan dadka deegaanka” ayuu yiri Wasiir Al-caddaala.

Meelo badan oo gobolada Mudug iyo Galgaduud ah waxaa ka soconaya dagaalada u dhaxeeya Al- Shabaab iyo kooxaha macwiislayda oo xoogiisa uu ka soconayo gobolka Hiiraan

Related Articles

News In English

Fikradaha