Wasiir Fardowsa oo ammar culus kasoo saartay dhismaha dhulal u dhow garoonka Aadan Cadde

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa lagu mamnuucay in Guri laga dhiso agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, si ku meel gaar ah.

Sida lagu caddeeyay warqaddaan ammarkaan wuxuu salka ku haayaa nidaaminta deegaameynta dhulka ku teedsan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Iyadoo laga amba qaadayo dardar gelinta howlaha baaxada leh ee hor yaalla iyo markaan aragnay dacwado badan oo dhinaca dhulka ah, waxaana lagama maarmaan noqotay in dhamaan dhulka ku yaalla gudaha iyo hareeraha garoonka dhismihiisa loo joojiyo, si ku meel gaar ah,” ayaa lagu yiri warqadda wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS.

Sidoo kale waqradaan ay ku saxiixan tahay wasiir Fardowso waxaa lagu cadeeyey in garoonka Aadan Cadde uu yahay muraayadda wadanka, taas oo muhiim ka dhigeysa in nidaam loo helo dhismayaasha xiga garoonka.

“Waxaa lagama maarmaan ah in dhismayaasha u dhow Aadan Cadde la waafajiyo nimaadka u degsan garoomada caalamiga ah, si aan ula jaan qaadno shuruucda duulimaadyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaan in dhismaha dhulka garoonka uu keenayo amni darro dhinaca duulimaadyada ah, isla markaana go’aankaan looga soo saaray feejignaan.

Ugu dambeyntii wasaaradu waxay cadeysay in la sameynayo qiimeyn farsamo oo dhismayaasha garoonka u dhow lagu waafajinayo shuruucda u degsan garoomada.

Related Articles

News In English

Fikradaha