Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka Muqaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay inuu ganacsatada Soomaaliyeed uga digayo in aan la aqbali Karin cudur ku saabsan inay wadashaqeyn dhex marto kooxda Al-shabaab.
Rooboow, ayaa tilmaamay in marnaba aan la aqbali doonin in ganacsatada ay cabsi darted ay Al-shabaab, lacago u siiyaan waxa uu sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in laamaha amniga ay lasoo wadagaan haddii ay helaan macluumaad la xiriir kooxda Shabaab.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay ka jawaabto macluumaad kasto oo ay ganacsatada soo gudbiyaan, kaa oo ku aadan shaqsiyaadka lacag soo weydiya, sida uu hadalka u dhigay Muqtaar Rooboow.
“Waxaan u sheegaya in dadka jooga goobaha dowladda sida suuqa Bakaaraha cudur daar uma heli karaan inay dhahaan waan cabsanay lacagtana xooga ayaa nalooga qaaday, war qofka Mobeylka kasoo wacaya ama kuu imaanaya ee lacagta ku weydiinaya waad ka cabsaday lee dahay maxaa kuu diiday in aad hay’adaha ammaanka lasoo wadaagto xogtiisa oo meel la idinka saaro” ayuu yiri wasiir Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur.
Geesta kale wasiir Muqtaar Rooboow, ayaa sheegay inuu ka towbad keenay wax kasto oo qalad ah ee ka dhacay, isla markaana uu farriin u dirayo dhammaan shacabka Soomaaliyeed kana dalbanayo in ay u istaagaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.
Hadalka wasiir Rooboow, ayaa ku soo aadaya iyada oo marmar badan ay dowladda Soomaaliya digniino kasoo saartay in wax maalgelin ah aan lasiinin kooxdah Daacish iyo Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.