Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho ugu yimid.
Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa diirada lagu saaray xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo xoojin lahaa.
“Intii kulanka lagu guda-jiray , waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee nacfi is-dhaafsiga leh, si gaar ah ka guul keenidda ujeeddo wadaagga iyo abuuridda fursado iskaashi oo qoto dheer oo dhan weliba leh,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sikastaba, kulankan ayaa ku soo aadaya xili shalay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu khadka telefoonka kula xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, isla markaana ay kawada hadleyn sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.