Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika

|

(Onkod Radio – December 8, 2022) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maalintii shalay oo Arbaco ah ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Mudane Liu Yuxi, waxa uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Intii kulanka lagu gudo jiray , waxaa lagu faaqiday dhowr feyl, oo ay ku jirto isku-duwidda aragtiyada xilliyada la joogo shirarka caalamiga, taageeridda ololaha Soomaaliya ee si dhammaystiran looga qaadayo xayiraadda hubka ay Qaramada Midoobey ku soo rogtay sanadkii 1992, xushmad is-dhaafsiga labada dal ee ku saabsan dhowridda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed si la mid ah maalgeshiga Shiinaha iyo mashaariicdiisa horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.
“Soomaaliya waa dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeeshay Shiinaha sanadkii 1960. Labadeena dal waxa aan wadaagnaa taariikh dheer oo ku qotanta is-dhaafsiga ganacsiga, dhaqanka iyo xushmad is-dhaafsiga xilliyada fagaarayaasha caalamiga” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac. Waxa uu intaa sii raaciyay in Soomaaliya ay ka taageertay Shiinaha helidda xubinnimada joogtada ee Golaha Ammaanka, ayna doonayso inay ku xisaabtanto codka Shiinaha”.
Dhankiisa, Danjire Liu Yuxi, oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya, ayaa Wasiirka gaarsiiyay sida Dowladda Shiinaha ay tixgelin iyo mudnaan gaar ah u siinayso wafdiga heerka sare ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminayo ee ka qeybgali doona Shir madaxeedka Shiinaha iyo Carabta ee ay martigelinayso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaasi oo lagu wado inuu qabsoomo 9 bishan December.

Related Articles

News In English

Fikradaha