Wasiirka arrimaha gudaha ee XFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar

|

Wasiirka Arrimaha Guddaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoore) ayaa maanta garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere waxa uu kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Guddaha Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxaa sidoo kale safarka ku wehlinayay Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa loo soo gelbiyay xarunta Madaxtooyadda Hirshabeelle waxana ay halkaasi kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Wasiir Cali Xoosh, adiga iyo wafdigaaga kusoo dhawaada caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar, mudnaan gaar ah ayay inoo tahay soo gaaristiina.”ayuu yiri wasiir Xoosh

Wasiirka Arrimaha Guddaha xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiinta la socoto ayaa kulamo iyo wadatashiyo la qaadan doono muddada ay joogaan madaxda iyo shacabka Hirshabeelle.

Related Articles

News In English

Fikradaha