Wasiirka Caafimaadka DF oo ka hor yimid shaqaale qarsoodi ah oo uu qortay Agaasimaha Guud (Xog)

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka hor yimid qorshe shaqaale qarsoodi ah lagu soo galiyey nidaamka Wasaaradda Caafimaadka intii lagu guda jiray marxaladda kala guurka.

Xog ay heshey Raxanreeb Online ayaa muujineysa in Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ay isku khilaafeen arrinka shaqaalaha cusub. Wasiir Cali Xaaji ayaa sheegay in marnaba shaqaalaha cusub aanay iman karin Wasaaradda maadaama ay khilaafsan yihiin hannaanka sharciga ee shaqaale qorista.

WARQADDA AGAASIMAHA GUUD

Sida ay Raxanreeb Online ogaatay, Wuxuu Agaasimaha Guud warqad uu u qoray hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageera Wasaaradda Caafimaadka uu ku gudbiyay magacyada 9 shaqaale cusub oo sida la sheegay dhammaantood uu keensaday agaasimaha wasaaradda. Taariikhda warqadda ayaa laga dhigay 25 August 2021, hase yeeshee baaritaanka Raxanreeb Online ayaa muujinaya in warqadda la diray bishii June 2022 balse taariikhda  2022 balse taariikhda uun dib loo riixay.

Warqadda uu qoray agaasimaha guud oo taariikh hore lagu diray.

Waxaa muddaba taagnaa khilaaf u dhexeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fowsiya Abiikar iyo Agaasimaha Guud, Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, taasoo keentay in agaasimaha guud iyo Wasiir Fowsiya aaney ka dhexeynin wada tashi ku saabsan shaqaalaha cusub ee wasaaradda iyo mashaariicda wasaaradda oo badankood ay taageeraan hay’adaha caalamiga sida Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

Kaddib xil la wareegiddii wasiirka cusub, Dr, Cali Xaaji Aadan, ayay soo baxday in 9 ruux oo shaqaale cusub oo aan marin habka shaqaaleysiinta dowladda loo gudbiyey hay’adaha Qaramada Midoobay taasoo abuurtay khilaaf nooc cusub oo ku saleysan shaqaalaha cusub.

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa Raxanreeb Online u xaqiijiyay in Wasiirku ku amray agaasimaha guud inuu baabi’iyo dhammaan shaqaalaha cusub ee uu qoray. Agaasimaha cusub ayaa sidoo kale lagu soo rogay inuusan qaadi karin tallaabo uusan Wasiirku ogeyn.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka mid ah meelaha sida weyn loogu tuhunsan yahay inay ka dheceen wax isdaba marin fara badan, gaar ahaan deeqihii loogu talagalay la tacaalidda xannuunka Covid19 ee dalka ku habsaday sannadkii 2020. Tuhunada waaweyn ee weli jira waxaa ku jira habka loo maamulayey deeqaha Bangiga Adduunka ee loogu talagay soo kabashada bulshada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka oo aan illaa hadda lasoo xisaabcelin.

Related Articles

News In English

Fikradaha