Wasiirka Cadaaladda ee XFS oo la kulmay wefdi ka socda wasaaradda Cadaaladda Masar

|

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka  ee  Soomaaliya,  Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Cadaaladda ee Masar.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal iyo horumarinta nidaamka cadaaladda Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda wafdigaan lagu qaabilayay.

Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in kulamadan ay dhameystirayaan wadahadalladii dhacay safarkii shaqo ee uu ku tagay Masar bishii Nofeembar ee lasoo dhaafay, iyadoo la isla gartay xoojinta iskaashiga tababarka garsoorka iyo cusboonaysiinta shuruucda si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxtarka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar wada shaqeynta joogtada ah, isagoo muujiyay muhiimada iskaashiga garsoorka ee labada dal si loo xaqiijiyo horumar waara iyo xasilooni siyaasadeed.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha