Muqdisho (ONKOD ) Wasiirka Gaashaandiga oo hortagay Golaha shacabka ayaa lagu qasbay inuu ka jawaabo su’aalaha weerarkii Jaale Siyaad , isaga oo sheegay iney baaritaano socdaan, saraakiilna weerarkaasi ay u xiran yihiin.
Hadalkan Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur waxa uu ka sheegay xarunta Golaha shacabka uu uu maanta sabti ah geeyay Hidise sharciyeedka aas aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.
Su’aallo Golaha shacabka ay waydiiyeen Wasiirka weerarkii Jaalle Siyaad ayuu markii hore ka gaabsaday Wasiirka Gaashaandhiga inuu ka jawaab celin waayo , hase ahaatee markii dambe lagu qasbay .
Buuq badan ayaa ka dhashay marki hore in Wasiirka uu ka hadlo weerarkaas oo ay ku dhinteen ,in ka badan 30 ka mid ah askarta ciidanka 14 October
Wasiir Jaamac oo ka waramaya weerarkii Shabaab ay ku qarxiyeen ciidnakii feylka ku jiray ayaa yiri” arinta dhacdada jaale siyaad baaritaan ayaa socda saraakiil ayaa uxiran”
Al Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah 24kii bishan ku qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad ay ku jireeen ciidamo katirsan guutada 14-ka October oo laga keenay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkaasi ku dhintay askar aad u badan.