Muqdisho (ONKOD ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa ka ruqaansaday deegaano badan ka dib maro kala duwan oo ka soo baxay hoggaanka ciidanka ee horkacaya howlgalada.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Jaamac oo ku sugan goobaha dagaalada ayaa hadda soo baxaya warar sheegaya inuu bixinayo amara ciidanka ay isaga soo baxayaan deegaanadii laga saaray kooxda Al- Shabaab.
Amaradan ciidanka uu siinayo , Wasiirka ayaa keentay in khilaaf uu soo kala dhaxgalisa Wasiirka iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo isaguna ku sugan goobaha dagaalada.
Isbar bar yaac xaga ciidanka ayaa ka dhax jira hoggaanka ciidanka Dowladda ee ku wada sugan jiida hore ee dagaalada sida ay ku warameen dad xog- ogaal ah oo halkaas ku sugan.
Sida xogaha ay sheegayaan , waxaa hoos loo dhigay ,awoodda wasiir cabduqaadir Jaamac , ee hoggaaminta , sidoo kale waxaa meesha laga saaray kaalinta Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Cadalla ee abaabulka dagaal beelaha dega Galgaduud.
Shaki xubnahan laga qabo ayaa la sheegayaa in ay ku timid in awoodahooda meesha laga saaro , waxaana maalmihii la soo dhaafay laga waayay saxaadda dagaalka iyo hadaladii ay siinayeen warbaahinta .
Si aad ah waxaa u soo baxaya warka sheegaya in wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Jaamac la bedeli doono sabab la xiriirta fashilka ku yimid dagaalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab iyo shakiga ka dhaxjira saraakiisha Dowladda Soomaaliya.
Howlgalada dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo marayaa inuu ku bilowday , khilaaf la xiriira sida loo wajahayo , taas oo ugu danbeyn keentay in shaki badan uu ka dhasho weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cawswayne ee galgaduud.