Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug oo 30 haween oo ka ganacsada Kalluunka tababar uga furay magaalada Cadaado

|

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garaad Yusuf Maxamud Garad Qowqabo, ayaa Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ka furay tababar dib u xasuusin ah kaa oo ay ka soo qeeyb galeen haweenka ka ganacsada kallunka, haweenkaan oo horay tababar 14 maalin ah ugu soo qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Haweenkaan ayaa laga soo kala xulay Degmooyinka Hobyo, Galkacyo, Caabudwaaq, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Cadaado oo ka kala tirsan Gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa furitaanka tababarka goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, waxaa sidoo kale ka soo qeeyb galay Gudoomiye kuxigeenka Degmada Cadaado iyo Hoowlwadeenada Wasaaradda.

Tababarka oo socon doona 3 maalin ah ayaa dib loogu xasuusin doona haweenka waxyaabihi ay horay usoo barteen, waxaana intaa kadib la gudoon sii doonaa qalab ay ku shaqeeystaan, kaas oo ka caawinaya in ay keeydsadaan kalluunka.

Wasaaraddu iyada oo kaa shaneeysa Dowladda iyo Hay’adaha la shaqeeya, waxa ay shaqa abuur u sameeyn doontaa, haweenka iyo bahda kalluumeysatada Galmudug.

Related Articles

News In English

Fikradaha