Faaf faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii saakay kooxda Al-shabaab ay ku qadeen Hotel Qaahira ee ku yaalla xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in weerarka ay ku dhintay 10 qof oo ay ku jiraan Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, waxaana weerarka ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Xilliga uu Weerarkan uu ka dhacay hoteelka Qaahira, ayaa waxaa ka socday hoteelka kulan ballaaran oo lagu gorfeynayay howlgallada dalka ka socda iyo shir kale oo arrimaha siyaasada quseeya.
Weerarkan hoteelka Qaahira, oo markii hore ku biloowday gaari walxaha qarxa, ayaa la sheegay inay xigeen Afar dagaalame oo gudaha u galay hoteelka, waxaana wali soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kooxda ku jirta gudaha hotelka.