Sida ay wararka sheegayaan waxaa magaalada Muqdisho kusoo wajahan wefdi sare oo ka socda dowladda dalka Turkiga, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogan oo la qorsheynayo inuu maalmaha soo socda soo gaaro Soomaaliya.
Warbaahinta dalka Turkiga ayaa hadal heysa wefdigan oo saacadaha soo socda imaanaya Muqdisho, si ay kulamo hordhac ah ula qataan madaxda dowladda Soomaaliya iyo howlwadeenada ku sugan safaarada Turkiga ee Soomaaliya.
Sidoo kale waqtiga rasmiga ah ee uu ku soo aadan yahay madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa isla jaan gooni doona guddiga hab-maamuuska iyo soo dhaweyntiisa ee Turkiga iyo guddiga dowladda Federaalka u qaabilsan sooo dhaweynta, wefdiga Madaxweynaha Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga ayaa marka uu yimaado Muqdisho, waxa uu sidoo kale safar kale ku sii mari doonaa magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya sida uu Erdogan ku sheegay qoraal uu mar sii horeysay ku baahiyay bartiisa X ee horan loo oran jiray Twitter.
Dhina kale madaxweynaha Turkiga, ayaa safarkiisa ugu horeeyay waxa uu Soomaaliya ku yimid sanadkii 2011-kii xiligaa oo dalka ka jirtay abaar daran oo dadka ay intooda badan u soo barakaceen magaalada Muqdisho, isaga oo dadka Soomaaliyeed soo gaarsiiyay gargaar bani’aadanimo, waxaana uu jibiyay gidaarkii adkaa ee ka hortaagnaa kaalmada Soomaaliya, maadama xiligaa dalka ay ka jirtay dowladda KMG ah ee uu hoggaamiyay Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale Erdogan ayaa 2016-kii waxa uu yimid Soomaaliya, isaga oo xariga ka jaray safaarada Turkiga ee Soomaaliya oo ah mida ugu weyn ee Turkiga uu lee yahay wadamada uu xiriirka kala dhaxeeyo.