Wiil da’yar oo Shabaab ka tirsanaa oo isku dhiibay Galmudug

|

Dhuusamareeb (Onkod Radio) — Cabdullaahi Cali Xuseen (Cali qoodaar) oo ah wiil da’yar oo ay Al- shabaab kasoo Askareeyeen magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee uu fadhigoodu yahay degaanka Dheghaye.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan saraakiil kala duwan oo lasoo xariiraya, kuwaas oo doonaya inay mar uun kasoo baxaan askarta ay ka barbar dagaallamaan.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay ragga ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiibaya, markii ay dagaallo xooggan kala kulmeen Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta maamul goboleedyada iyo dadka shacabka ah.

Deegaano badan oo Mudug iyo Galgaduud waxaa ka soconaya dagaal ka dhan ah Al- Shabaab oo ay iska kaashanayaan kooxaha kacdoonka iyo ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al- Shabaab ayaa culaysyo kala duwan waxa ay ka haysataa deegaano Mudug , Galgaduud iyo Hiiraan oo dadka inta ay is abaabuleen ay bilaabeen in dagaal ay kala hortagaan Al- Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha