Xasan Sheekh & mucaaradka KGS oo ka hadlaya sidii loo tuuri lahaa Laftagareen.

|

Dhuusmareeb (ONKOD) In mudda ahba waxaa muuqanayay kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen kuwaas oo ka kala dhacayay Muqdisho iyo Nairobi.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa hadda wajahaya cadaadis siyaasadeed oo ka dhashay doorashada maamulka Koonfur Galbeed , taas oo xal wali laga gaarin.

Mucaaradka Koonfur  Galbeed ayaa sheegaya in la joogo waqtigii la tuuri lahaa Madaxwayne Laftagareen oo isuguna isu arka inuu ku joogo sharci maadama sanado ay kordhisteen maamul goboleedyada kale ka dib heshiis ay gaareen madaxda madasha Qaran.

Maanta oo Sabti ah waxaa magaalada Dhuusmareeb oo uu ku sugan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya gaaray wafuud ay hogaaminayeen   Guddoomiyaasha hore ee  Golahas shacabka , wasiiro iyo jilbo culus kale oo xilal ka soo qabtay Dowladda.

Ujeedka waa in ay la kulmaan Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku sugan Dhuusmareeb si ay uga hadlayaan sidii loo tuuri lahaa Madaxwayne Laftagareen ka dib markii ay  ku doodeen in waqtiga Laftagareen uu dhamaaday.

Si kastaba,  xubnahan ayaa hore u sheegay inay isku diyaariyeen inay Baydhabo safar dhulka ah ku tagidoonaan, kaddib markii uu Lafta Gareen xirtay garoonkii diyaaradaha ee Baydhabo.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha