Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Axmed Xirsi

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wareegto rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La-taliye Sare oo arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha loogu magacaabay Axmed Cabdisalaan Xirsi.

Axmed Xirsi ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, wuxuuna caan ku ahaa inuu u dhaqaaqi jiray arrimaha bulkshada.

Axmed Xirsi  ayaa uga mahad-celiyay madaxweynaha inuu xilkaas u magacaabo, isaga oo tilmaamay in uu ka dhabeyn doono dhaqan-gelinta ajendihiisa siyasadeed.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in la ii magacaabo La-taliye Sare oo arrimaha siyaasadda kala talinaya Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha kalsoonida uu igu qabo iyo inuu igu aaminay inaan ka caawiyo dhaqan gelinta ajendihiisa siyaadadeed ee ah Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” ayuu Axmed Xirsi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Waxaan u hanqal taagayaa sidii aan kaalin mug leh uga geysan lahaa arrimaha mudnaanta leh ee gudaha iyo dibaddaba.”

Waxaa xusid in mudanaha la magacaabay uu si weyn uga soo dhex muuqday bilihii u dambeeyay arrimaha gargaar gaarsiinta dadkii ay saameysay abaarta, isaga oo safaro samafal ku tagay qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka.

Related Articles

News In English

Fikradaha