Xazme Cabdi Barre oo kulan laqaatay Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen

|

New York (ONKOD) R/Wasaare Xamze Cabi Barre  ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan.

Sidoo kale, Xamze iyo wasiirka ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka ayaa u ballan-qaaday R/Wasaare Xamze  in dhinacyo badan ka caawin doonaan Soomaaliya, waxa uuna xusay in Imaaradaka sii kordhin doono garab istaaga Soomaaliya.

R/Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Imaaraadka taageerada ay siiyaan Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale warbixin la siiyay guulaha ay gaartay dowladda muddadii uu xilka hayay.

Related Articles

News In English

Fikradaha