Xeer ilaalinta & Taliska Booliska oo war kasoo saaray dilal aanooyin Qabiil oo ka dhacay Muqdisho

|

Muqdisho (Onkod Radio) —  Iyada oo saacadihii la soo dhaafay dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen degmada Kaaraaan ee gobalka Banaaadir ayaa laamaha ammaanka Soomaaliya waxa ay shir deg deg ah ka yeesheen arrintaas. Shirka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa waxa diiradda lagu saaray sidii loo dhammeyn lahaa dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ka dhaca degmada waxaana kulanka goob joog ka ahaaa Taliyaasha Saldhigyada Qeybta Bari ee gobalka Banaadir, Afhayeeenka Ciidanka Booliiska, Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxakamada Ciidamada qalabka sida iyo Maamulka degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiye Abshir Kaaraaan. Shirka ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira sidii ay dhacdooyinka noocaan ah aysan u soo laaban lahayn waxa ayna dhinacyadu isku raaceen in howlgallo lagula dagaallamayo kooxaha amniga qal qalgelinaayo laga billaabo degmada sidoo kalena sharciga lamarsiindoono dadka ku howlan arrimaha noocaan ah. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Saadaq Doodisho oo faah-faahiyay u jeedka kulanka waxa uu sheegay in laamaha ammaanka ay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyay dilalka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Kaaraaan. Sidoo kale xeer ilaaliya ku xigeenka maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa sheegay in dhacdooyinka noocaan oo ay geystaan ciidamada dowladda ay ku soo laa laabteen gobalka Banaadir gaar ahaan degmada Kaaraan waxa uuna lamaha Ammaanka faray in si deg deg ah ay Maxkmadda u hoorkeenaan si sharciga loo marsiiyo. Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa waxaa lagu dilay Saddex Qof ,waxaana dilalkaasi ay la xiriiraan aanooyin qabiil, iyadoona dadka deggan degmada Kaaraan ay qaati ka taagnaayeen kooxo burcad ah inta badana loo yaqaanno Ciyaal Weero.

Related Articles

News In English

Fikradaha