Hogaamiyaha gobolka Tigreega ee woqooyiga dalka Itoobiya Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in maamulkiisu uu dejin doono xaaladda, inkastoo xoogagga iska soo horjeeda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaannada qaar.
Dagaallada u dhexeeya garabyada xisbiga Mr Getachew ayaa halis gelinaya nabadda aan xoogganayn ee ka jirta gobolka tan iyo markii uu dhammaaday dagaal dhiig badan ku daatay oo ay xukuumadda Addis Ababa kula jirtay laba sano ka hor.
Waxaa la filayaa inuu Khamiista manta ah la kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, si uu taageero u weydiisto.
Waxa uu sheegay in cabsida ugu weyn ee uu qabo ay tahay in xiisaddu sii ballaarato, isla markaana ay ku soo biiraan ciidamo ka soo jeeda dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, si ay u taageeraan garab ka mid ah dagaalka.
Eritrea ayaa iska fogeysay eedda damacaas, balse ciidankeedu waxay qeyb ka ahaayeen dagaalkii hore, kuwaas oo lagu eedeeyay inay geysteen falal kufsi iyo dil.