Xildhibaan ka tirsan Jubbaland oo maalikii labaad ku xiran xabsiga Mandheera

|

Mandheera (ONKOD) Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa habeenkii labaad ku hoyday saldhiga degmada Mandheera, kadib markii Isniintii lagu xiray Koontaroolka Basaska.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa lagu soo warramayaa in habeenkii labaad uu ku xiran yahay saldhigga degmada Mandheera.

Madaxa waaxda dambi baarista ee dalka Gitari Muchira ayaa sheegay in inkastoo maamulka Beled Xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo xildhibaanka, balse maalinta berri ah maxkamad la soo taagi doono.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka xilliga la xirayay laga qabtay Koontaroolka laga raaco Basaska ee magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xildhibaan Gurxan oo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu been abuur ku sheegay qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu Kenya ka soo galay meel qaldan oo aan lagasoo galin.

Si kastaba, Jubbaland ayaa xiriir wanaagsan la leh Kenya, maadaama ay xuduud leeyihiin, sidoo kalena waxa ay iska kaashadaan arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha