Xildhibaano ka xanaaqay in SSC –Khaatumo Dowladda casuumad ay u fidiso

|

Muqdisho (ONKOD) Ka dib markii magaalada Muqdisho uu soo gaaray caasumad uu ka helay madaxda sare ee dalka hoggaamiyaha SSC – Khaatumo waxaa arintaas ka xumaaday xildhibaano heer  Federaal ah.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in aysan sax ahayn in hoggaamiyaha Khaatumo sidii maamul goboleed oo kale loogu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho.

Xubno ka  mid ah xildhinaanada  Golaha shacabka ayaa  warar xajiin  kicinaya isku waydaarsaday ,  Baraha bulshada kuwaas oo  salka  ku haya imaanshaha caasimada iyo caasumada hoggaamiyaha khaatumo .

Xildhibaan Maareeye ayaa soo saaray qoraal uu ku muujiyey sida uu uga xunyahay in maqaam sare ay shacabka Muqdisho iyo xukuumadu ku soo dhaweeyaan wafdigii ka socda Khaatumo ee shalay yimid Muqdisho.

“Danjirayaashii kala goynta umadda Soomaaliyeed muqdisho u fadhiyi jirey waxay bilaabeen Cabaad iyo masayr’’sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cabdi Qowdha

Imaanashaha caasimada ee  hoggaamiyaha Khaatumo ayaa  siyaabo kala duwan waxa uga hadlay xildhinaanada Golaha shacabka kuwaas oo deegaan ahaan kala soo kala jeeda SSC iyo Somaliland.

Si kasta waxaa magaalada Muqdisho Dowladda Soomaaliya ay ku marti qaaday hoggaamiyaha Khaatumo ee dhawaan la doortay kaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay caasimadda.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha