Xilli tacsi lagu jiro, ayey Xeer Ilaalinta su’aalo cabsigelin ah la yeelatay Agaasimaha Arlaadi

|

MUQDISHO – Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay walaac ka muujineysaa in iyadoo saxafiyiinta Soomaaliya ay la murugoonayaan dilka agaasimihii Somali Cable TV, saaka oo Arbaco ah Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya uu su’aalo weydiin cabsi gelin wadatay la yeeshay agaasimaha Warbaahinta Arlaadi ee Muqdisho.

Saaka abaarihii 10:00am, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta tagay Agaasimaha Warbaahinta Arlaadi, Cabdiraxmaan Jeylaani Maxamed (Cadaani) halkaasoo su’aalo weydiin socotay 30 daqiiqo ay ka dhacday.

Dhammaan su’aalaha la weydiiyay oo ahaa kuwo cagajugleyn ah ayaa ku saleysnaa shaqada warbaahinta Arlaadi iyo warbixinno dhowaan telefishanka uu baahiyay oo ku saabsan lacag la sheegay in laga ururiyay dadweynaha degmada Waajid ee gobolka Bakool.

SJS waxay walaac ka muujineysaa in Cabdiraxmaan markii uu tagay Xafiiska Xeer Ilaalinta aan loo ogolaan inuu qareenkiisa la joogo, iyadoo su’aalaha Xafiiska Xeer Ilaalintu ay ahaayeen kuwo ujeedkoodu ahaa cabsi gelin, sida uu SJS u sheegay Cabdiraxmaan.

Saxaafaddu ma ahan dembi. Adeegsiga Xafiiska Xeer Ilaalinta si loo cabsi geliyo saxafiyiinta, loona aamusiyo warbaahinta xorta ah waa arrin aan la aqbali karin oo ka dhan ah Dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ee dhowraya xorriyadda hadalka iyo tan warbaahinta.

U yeerista saaka ee agaasimaha Warbaahinta Arlaadi looga yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa timid iyadoo 24 saac kaliya ay ka soo wareegatay aaskii agaasimihii Somali Cable TV, marxuum Cabdifataax Macalim Nuur (Qeys) oo weerar is-qarxin ah lagu dilay habeennimadii Isniintii. Dilkaasi oo illaa maanta walwal iyo cabsi ku beeray dhammaan saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed ee xorta ah.

Waxaa yaab leh in Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aan awoodin inuu baaritaan ku sameeyo kuwii dilay agaasimaha Somali Cable TV, saaxiibkeen Cabdifataax Qeys, ayaa awooday inuu u yeero oo hadado agaasimaha Arlaadi.

Related Articles

News In English

Fikradaha