Dhuusmareeb (ONKOD) Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka Galgaduud waxa lagu wadaa inuu ka furmo shirka madasha wadatashiga Qaran ee madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Xubno horudhac u ah shirkan ayaa gaaray magaalada Dhuusmareeb , halkaas oo ay hore uga sugnayeen masuuliyiinta Dowladda oo uu ka mid yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa shirkooda diiaradda ku saaraya ‘amniga iyo dardar-galinta hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha Galmudug oo shirkan martigelinaya ayaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxda ka qeybgaleysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen R’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, guddoomiyaha gobolka Benaadir, iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo u ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Shirkan lama oga inuu ka qayb galayo Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo in kale maadama wali aan la dhamayn khilaafkii kala dhaxeeyay Dowladda Dhexe kaas oo ka dhashay magacaabistii RW Xamse Cabdi Barre.