Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa uu xildhibaano katirsan golaha shacabka ahna xubno katirsan golaha wasiirada waxa uu ka mamnuucay fadhiyada golaha shacabka.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in sababo amni darteed, waxaana guddiga xeer-hoosaadka golaha shacabka uu ka codsaday in ay soo talo bixiyaan tallaabooyinka ku haboon si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka.
Wasiirada laga mamnuucay kulamada, ayaa shalay la arkayay iyaga oo u gacan qaadaya xildhibaano mucaarad ah.
Xubnaha wasiirada ayaa kala ah.
1) Xil. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji ( Jeego) oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya
2) Xil. Isaaq Maxamed Mursal wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya
3) Xil. Cumar Cali Cabdi wasiir dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
4) Xil. Maxamed Cusmaan Cumar wasiir dowlaha wasaaradda Qoyska
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa 20 xildhibaan oo kale oo mucaarad ah ka mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka golaha shacabka.