Xubo ka mid ah Xamaas oo booqasho ku tagay Tehran

|

Gaza (ONKOD) Madaxa siyaasadda u qaabilsan ururka reer Falastiib ee Xamaas Ismaaciil Xaniyeh ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, waxa uuna la kulmay madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Ismaaciil Xaniyeh ayaa tagay magaalada Tehran shalay oo Sabti ah, waxa uuna kulan gaar ah la qaatay madax sare oo katirsan dalka Iran uu ku jiro hogaamiyaha sare ee kacaanka dalka Iran Ayatullah Cali Khamenei.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xaalada ka taagan magaalada Gaza iyo dagaalka u dhaxeeya xoogaga wax iska caabinta ee Xamaas iyo ciidamada gumeysi doonka ee yahuuda Isreal.

Hoggaanka sare ee Iran ayaana garab istaag iyo taageero u muujiyay ururka Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Isreal, waxa ayna Iran boggaadisay sida kooxda Xamaas isaga difaacanayaan duullaanka Isreal.

Madaxa siyaasadda kooxda Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa maalmo kahor sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka, waxa uuna halkaasi kula kulmay madax katirsan dowladda Ruushka.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha