Xukuumadda Somaliland ayaa maanta waxa ay dil toogasho ah ku fulisay labo xukunsane oo lagu eedeeyey inay dileen Taliyihii saldhigga Booliska Maxamed Mooge iyo askari katirsan ciidanka ilaalada waddooyinka ee Somaliland.
Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa 6-dii bishaan xukun qisaas ah ku riday labada gacan ku dhiigle.
Ehelka labada dhinac oo muddo isku dayay inay raadiyaan xal kale ayaa sheegay in laisku fahmi waayay, iyadana oo maanta toogashadii horay ay ugu rideen maxkamadaha kala duwan ee Somaliland lagu fuliyay.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa shalay saxiixay warqada xukunka toogashada maanta lagu fuliyay labada dambiile ee dilka geystay.
Xabsiga Mandheera ee Somaliland, waxaa ku xiran maxaabiis dambiyo kala duwan oo ku eedeysan dilal dhac iyo dambiyo kala duwan.