11-Sebtembar darteeda , dalal badan oo Islaam ah ayaa loo burburiyay

|

NewYork (ONKOD) Dhacdada 11-Sebtembar 2001, waxey aheyd dhacdo aduunyada oo dhan gilgishay oo iyada oo kale aan horey loo arkin.

Waxaa lagu weeraray laba dhismo oo ku yaala magaalada Newyork wadanka mareykanka.

Mareykanka markiiba waxuu ku eedeeyey iney soo weerareen Alqaacida (oo aheyd markii ugu horeysay oo aan maqlo)oo Usama bin Ladin uu hogaamiyo waxuuna ku goodiyey inuu aarsan doono.

Marka ay dhaceyso dhacdadan waxaan ahaa wariye u shaqeeya idaacada STN, Aniga iyo saaxiibkey Nadaara si toos ah ayaan dadweynaha ugu gudbineynay dhacdadan si daqiiqad daqiiqad ah.

Nin aan saaxiibo nahay oo marka uu weerarkaan dhacay aan waydiiyey sida uu u arko ayaa igu yiri: “ balaayo hadda ayay bilow tahay”.

22sano kadib dhacdadaas, waxaa sababteeda loo burburiyey wadamo badan oo Muslim ah ayna ka mid yihiin: Afghanistan, Ciraaq, Somalia, iyo kuwa kale.

Adiga Maxaad dhacdadaas ku xasuusataa xageese ka maqashay?

W; D: Khaalid Macallin

Related Articles

News In English

Fikradaha