Gegida dayaaradaha Aden Cabdulle waxay u baahan tahay in sida loo dhaamo.

|

Muqdisho (ONKOD) Marka laga soo tago dhaliilo badan oo soo jireen noqday, oo aan la nool nahay, waxaan hadda jecelahay in aan ka hadlo dhaliil culus, wax ka qabadkeeduna aad u sahlan yahay.

Waxaan arkay dayaarad rakaab ah oo soo degtay 7- da fiidnimo iyada oo gaari soo geli kara Gegida iyo mid ka bixi karaa aanay jirin.

Ku dar xataa Baska Sahal ma shaqeyneyn.

Waxaan arkay hooyo sidda ilmo aad u da’yar oo hurdaya, isla markaa laba boorso midna dhabarka ku sidda midna jiideysa, oo dalcadda yar ee airporka looga baxo ku dhibban.

Waxaan arkay aabbe iyo hooyo mid kastaa ilmo yar kor u hayo, oo dhex taagan dhowr boorso. Dadka aga maraya ayay ku eegayaan indho ay ka muuqato war aan indiin duceynee gacan na siiya oo meesha naga saara.

Kadeedku kuma koobnayn in aan bas iyo gaadiid kale midna loo diyaarin rakaabka, in ay dalbadaanna aan loo oggoleyn.

Marka ay gegida lug uga soo baxaan, waxaa gaadiid ugu dhow kan dadweynaha oo maraya meel dhowr km u jirta. Afarta waddo ee airporka ka baxa, saddexda laamiga ahi waa ay go’an yihiin. Waxaa ceegaagta xareed ay ka tageen daadad meel fog ka yimid iyo  roob maalmo ka hor da’ay.

Waddada keliya ee furan waa mid aan laami ahayn oo in tunka lagu qaado maahee aan boorso lagu jiidi karin, mugdi ah, iyada lafteeda ay biyo fadhiyaan meelaha qaar, oo ay tahay in lagu lugeeyo kiilomiitir ka badan si gaadiidka dadweynaha loo gaaro.

Waxaan u qabaa in dadweynihii habeenkaas soo degey la dayacay, halisna la geliyay.

Khasab ma aha in aad noqoto khabiir ama qof aad u fiiro dheer si aad u garato in rakaabka dayaaradda ku imaanayaa oo waayeel, carruur iyo xataa bukaan uu ku jiri karo, oo wata boorsooyin culculus ay u baahan yihiin gaadiid ay raacaan.

Ma jirto dayaarad soo degi karta ruqsad la’aan. Airporku haddii uu gaadiid oo dhan ka xiran yahay, dayaaradahana waa in uu ka xirnaadaa.

Waan la yaabay in aanan maqal dad rakaabkii ka mid ah oo Maxkamad geeyay cidda ka mas’uulka ah dayaca intaa la eg.

Khaladdaadka badan ee xalkoodu fudud yahay in midba mar la saxo, waxay dadweynaha siineysaa kalsooni, in ay samofishaan iyaguna ay nidaamka u hoggaansanaadaan.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha