Mala-jooga waqtigii MD Xasan Sheekh u soo laaban lahaa Tolkiisa ?

|

Muqdisho (ONKOD)  Madaxwaynaha Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kowsaday bilowgiiba doorashadiisa ka dib dagaal beeleedyo ka dilaacay meelo badan oo dalka ah .

Gobolada Shabeelaha dhexe ,Hiiraan , Mudug iyo Galgaduud ayaa ah meelaha ugu badan ee colaadahan ka dhacay isla markaana la kowsaday doorashada Madaxwaynaha hadda dalka haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda wali wax talaaba ah ma aysan u qaadin dejinta xiisadahan oo salka ku haya aanooyin qabiil waxayna noqdeen  maalmihii la soo dhaafay kuwo xargaha goystay oo meelaha qaar waxaa laga soo calaamadaynayaa in guryaha lagu gubayo caruurta , haweenka iyo waayeelka.

Madaxwaynaha bedelkii uu wax ka qaban lahaa xiisadaha colaadaha ee beelaha ayuu saldhigtay Dhuusmareeb halkaas oo uu sheegay inuu ka hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Waxa loo  arkaa  howlgalka –kooxda Al-Shabaab   mid dano  gaar ah ay ka leeyihiin siyaasiinta  iyo xubnaha saamiga la leh Dowladda taas oo keentay natiijo la’aanta howlgalada oo ciidanka ay ka baxeen meelo badan oo ay ka saareen kooxda Al- Shabaab.

Madaxwaynaha oo deegaan ahaan ka soo jeeda Shabeelaha Dhexe waxaa ka socda dagaal beeleed kii ugu xumaa oo waxaa si joogta ah isku dilaya beelo walaala ah kuwaas oo xitaa guryaha iska gubay.

Waxa aad  loogu dhaliilayaa Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dusha uun ka daawanayo wax aka dhacaya deegaankaas oo ay ahayd in marka hore xal rasmi ah uu ka soo gaaro  dadka deegaankaas ka dibna uu u wareego deegaanada kale.

Maalin ka mid ah Madaxwaynaha Soomaaliya ma uusan soo hadal qaadin ama baaq kuma uusan diran colaadaas ka holcaysa deegaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe oo dhiigii ugu danbeeyay lagu daadiyay uu ahaa macallin dugsi iyo afar ka mid ah ardaydiisa.

Waxaa la is waydiinayaa saw lama – joogo waqtigii Madaxwaynaha Soomaaliya uu dib ugu laaban lahaa deegaankaas si uu soo xaliyo si ay ugu sahlanaato inuu xal ka gaaro arrimaha kale ee taagan  magaalooyinka kale ee dalka.

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha