120 qof oo ku dhintay ‘’daadad’’ ku dhuftay Soomaaliya.

|

Muqdisho (ONKOD) Waxa isa soo taraya dadka ku dhintay daadadka iyo roobabka ka da’ay meelo ka mid ah Soomaaliya sida ay warisay Hay’adda Maareeynta iyo masiibooyinka Qaranka.

Dadkan waxaa ku jira  CARUUR  , dumar iyo waayeel kuwaas oo ay qaadeen daadadka ka dhashay roobka ka da’aya  magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka.

“Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120 ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay, Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhintay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon la gadoontay ‘’ sidaas waxa sheegtay SoDMA.

Hay’addu waxa ay sheegtay in dhibaatooyinka ka dhashay daadadka wali ay ka taagan tagay deegaano badan oo dalka oo ay ka soo yeerayso qaylo dhaan una baahan gurmad  deg deg ah.

Magaalooyinka qaar aadbay u adag tahay inuu gaaro sahayda sabab la xiriirta waddooyinka oo roobka uu kala jaray oo ay adag tahay in gadiidka si fudud uu ku gaaro.

Dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha