6 Caqabad oo xal uga baahan Madaxweynaha 10-aad JFS.

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha 10aad JFS waxaa horyaalla qodobo muhiim ah oo intooda badan uu kusoo galay ololaha Doorashada.

Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka waxyaabaha wax ka qabashada ugu baahan ee sugaya muddada 4ta sano ah ee muddo xileedkiisa ah ayaa kala ah:

1-Dhammeystirka Dastuurka: Muddo waxaa qabyo ah Dastuurka KMG ah ee Dalka oo cutubyo kamid ah wax ka baddel lagu sameeyay.

2-Kasbashada Kalsoonida Dadweynaha: Madaxweynaha 10aad ee JFS waxaa laga sugayaa sida uu u maareeyo kalsoonida Shacabka oo saameyn ku reebtay qalalaasaha siyaasadeed.

3-Diyaarinta Doorasho Dadweyne: Dowladihii u dambeeyay ayaa ku guuldareystay in Dalka ay gaarsiiyaan Doorasho qof iyo cod ah.

4-Ballaarinta Maamulka Dowliga: Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah ayaa u baahan in la xoojiyo si wadajir ay u wada shaqeeyaan.

5-Dib u dhiska Ciidanka: Xoojinta Ciidamada Dowladda & Dowlad-Goboleedyada waa furaha mustaqbalka Ciidanka Soomaaliyaa ay mas’uuliyadda kala wareegayaan howlgalka ATMIS.

6-La dagaalanka Al-Shabaab: Degmooyin katirsan Koofurta & Bartamaha Soomaaliya waxaa ku sugan Al-Shabaab oo go’doon geliyay, khubarada dhanka Amniga ayaa ku dooday in arrintaas ay ka dhalatay gaabis ku yimid howlgallada ciidanka Federaalka & kuwa Midowga Afrika.

Related Articles

News In English

Fikradaha