Muqdisho (Onkod Radio) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka qaybtiisa qaabilsan denbiyadda Lidka ku-ah maaliyadda iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu baaris ku bilaabay dambiyada la xiriira maaliyada iyo dhaqaalaha waddanka.
Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sidaas darteed maanta u direy warqad yeermo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Maaliyadda oo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha baaristiisa wado.
Wasiir Bayle ayaa la faray in maalinta Isniinta oo ku taariikheysan 27/06/2022 uu yimaado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha saacadu markay tahay 11:00 subaxnimo.
“Wasiirka waxaa la farayaa in uu wakhtiga ilaaliyo, kuna yimaaddo balanta loo qabtay,” ayaa lagu yiri warqada sida tooska ah ugu socotay Beyle ee kasoo baxday xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Warqadda u yeerista Wasiir Bayle ayaa sidoo kale waxa la ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal BFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.