Maxkamadda ciidamada oo xukuntay Basaaskii ugu xirfadda badnaa ee Al-Shabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, ayaa xukun adag ku ridday Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed (Yarow) oo lagu helay sida uu sheegay tv-ga Somali National Television, inuu ahaa Basaas ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay maxkamadda.

Cabdirisaaq, oo ay maxkamaddu shaacisay inuu ahaa Basaas xirfad badan ayaa waxaa bishii November ee sannadkii tegay ee 2021-kii, lagu soo qabtay howlgal ka dhacay xaafadda Oodweyn oo ka tirsan degmada Dayniile, ee gobolka Banaadir.

Ninkan, ayaa waxaa lagu soo qabtay agab kala duwan oo ay maxkamaddu soo bandhigtay, kuwaas oo uu u adeegsan jiray howlaha Basaasnimada sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda.

Agabyada, uu isticmaalayay ayaa waxaa ka mid aah, Ookiyaale Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI Mavic 3, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Teleefoonno.

Sidoo kale waxa uu lahaa gaari uu kula shaqeeyo adeegga Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay sannadkii 2015-kii illaa 2020-kii Bajaaj, saddex meel oo kale oo isugu jiro shirkado ka shaqeeya duulimaadyada iyo kuwoo kale ee wax daabaca ee loo yaqaanno Stationary.

Da’da Cabdirisaaq, ayaa maxkamadda ay ku sheegtay 28 jir ku dhashay Muqdisho, sidoo kalena ka baxay ka mid ah ka mid ah jaamacadaha dalka Jamhuuriya, oo uu ka bartay Computer Science.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada ayaa ku dhawaaqday in Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed, lagu xukumay 15-sanno oo xabsi ciidan ah, sida uu shaaciyay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin, oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha