Xasan iyo Yoweri maxaa kasoo baxay wada hadalladoodii

|

Kampala (Onkod Radio) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Kampala ayaa wada-hadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Kulanka oo ka dhacay qasriga weyn ee madaxtooyada wadanka Uganda ee Entebbe ayaa waxaa looga hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dowladood.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday wada-hadalladaan, xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan xasilloonida dalalka Geeska Afrika iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.

Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ayaa sidoo kale dhiirrigeliyey qabasoomidda kulanka 1-aad ee xubnaha joogtada ah ee guddiga isku dhafka labada dal (JPC), kaas oo u xil-saaran kobcinta iskaashiga diboomaasiyadda iyo siyaasadda, wadashaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, iyagoo soo dhaweeyey saxiixa heshiisyada Is-afgarad ee Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo dhiggooda dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu uga mahad-celiyey Yoweri Museveni, Dowladda iyo shacabka dalkiisa garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey mowqifka walaaltinimada leh ee dowladda Uganda ay ku taageertay codsiga dowladda Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhiniciisa uga mahad-celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida uu u ajiibay casuumaadda uu u fidiyey iyo wada-hadalladan wax-ku-oolka ah ee yeesheen dowladaha Soomaaliya iyo Uganda

Related Articles

News In English

Fikradaha