FBI oo baaritaan ku sameysay guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka

|

Washington (Onkod Radio) — Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in gurigiisa oo ku yaalla gobolka Florida ay weerareen ciidamo ka tirsan FBI-da Mareykanka, kuwaasoo jebiyay qasnaddiisa sida uu sheegay.

Ma uusan joogin dhismaha Mar-A-Lago wakhtigaas. Trump ayaa weerarka ku tilmaamay weerar ay qaadeen xisbiga Dimuqraaddiga Bidixda oo ka cabsi qaba inuu u tartamo madaxtinimada dalkaas sanadka 2024-ka.

Qareenka magaalada Palm Beach ee gobolka Florida, Dave Aronberg, ayaa BBC u sheegay in si loo helo warqadda baaritaanka FBI-da ay u baahnaan lahayd in ay tusiyaan in uu jiro cadeymo muujinaya dambi ka dhacay guriga Mr Trump.

Related Articles

News In English

Fikradaha